Adeegyada Dhibanaha & Markhaatiga
Barnaamijka Gargaarka Dhibanuhu (Victim Assistance Program) waxa uu adeegyo siiyaa dhibaneyaasha dambi. Dhibaneyaashu waxay filan karaan:
- Gargaar ah xagga fahmidda habka sharciga iyo nidaamyada maxkamadda
- Gargaar ah xagga fahmidda iyo isticmaalidda xuquuqdooda
- Gargaar ah xagga helista hantida loo haysto marag-kac
- Gargaar ah xagga helista magdhow, gargaar dhaqaale oo degdeg ah, ama magdhow laga siiyo khasaare dhaqaale ama waxyeeyo ka timi dambi lagula kacay (pre-trial diversion programs)
- War ku saabsan gunaanadka la soo bandhigo iyo barnaamijyada weecinta ee ka horeeya maxkamad-saaridda
- Gudbin loo gudbiyo hay’ado iyo ururo kale oo adeegyo siiya dhibaneyaasha
Sida aad noola soo xidhiidhi kartid:
Victim Assistance Program (Barnaamijka Gargaarka Dhibanaha)
Office of Stearns County Attorney
Administration Center, Room 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303-4701
Teleefon: 320.656.3880
Inta ka baxsan aagga St. Cloud: 1.800.450.3880
TTY/TTD: 320.253.1868
Saacadaha Xafiiska 8:00 subaxnimo ilaa 4:30 galabnimo
Wakhtiyada kale waa ballan kaliya
Si aad fariin uga tagtid ka dib saacadaha xafiiska, Sabtida iyo Axadda & ciidaha:
320.656.6312 ama 1.800.450.3880