Maxkamadda Dembiyada Rabshadaha Qoyska ee Deegaanka Stearns

Kordhinta Amniga Dhibanaha iyo la Xisaabtanka wanaagsan iyadoo la raacayo Jawaabcelin bareer ah, oo bartilmaameed leh
Eeg Buugga macluumaadka Dembiyada Rabshadaha Qoyska ee Deegaanka Stearns
Maxkamadda Dembiyada Rabshadaha Qoyska ee Deegaanka Stearns ayaa la socon doonto kooxda ay ku soo noqnoqdaan dembiyada rabshadaha qoyska iyadoo si hoose loo maxkamadeynayo loona sameynayo la socod tijaabo ah oo lagu meelmarinayo sharuudo sii deyn oo adag, dusha kala socosho, la xisaabtanka dembiilayaasha oo todobaadle ah oo si toos ah maxkamadda loogu gudbinayo laguna isticmaalayo adeegyada taageerada dhibanahay si loo kordhiyo amniga dhibanaha.
- Ka hadlidda dembiilayaasha hore loogu soo oogay dembiyo heerkoodu yahay kan dembiyada rabshadaha qoyska
- Dhexgelidda dembiilayaasha markasto lagu xiro/xukumo dembiyada rabshadaha qoyska
- Ogaanshaha in dembiilayaasha ugu badan ay dhibanayaal u yihiin carruurta
- Taabagelinta la socod dhaqameed tijaabo ah/soo dhexgal maxkamadeed taas oo aan dabargoyn rabshadaha dembiilayaashan la garanayo
Xal bartilmaameed leh u raadinta dembiilayaasha dembigoodu soo noqnoqdo iyadoo ay la tacaalayaan koox takhasus u leh rabshadaha qoyska oo ah xirfadlayaal tababaran garanayana badbaadada dhibanaha iyo ilmaha. Jawaabcelinta qaaska ah waa degdeg, awood badan waxaana si toosa u koontaroolayo xaakimka maxkamadda degmada kaas oo ay dembiilayaashu si shaqsiyan ah warbixin ugu gudbinayaan si todobaadle ah in ay barnaamijka ka qaybqaadanayaan.
In la yareeyo rabshadaha qoyska waxay u baahan tahay khuburo, joogteyn, iyo isku xir u dhexeeyo xirfadlayaal ay ka go’an tahay horuumarinta amniga dhibanayaasha iyo qoysaska.
Xarakaadka caanka ah ee dembiyada rabshadaha qoyska ee soo noqnoqdo:
- Amar maxkamadeed ilaalin ah
- Ku tiirsanaanta kimiikooyinka
- Talo-siinta dhibanayaasha iyo carruurta
- Arimaha dadka waaweyn marka dhibaatadu soo jireen tahay
- Adeegyada tababarrada
- Xaaladaha furiinka suurtagalka ah/ku loolanka ilmo heynta
- Daweynt caafimaadka/arimaha lacag bixinta
- Arrimaha Cafimaadka Maskaxda
- Guriyeynta iyo gaadiidka
- Gacansiinta taageerada ilmaha
Isku xirka bareerka ah ee lagula soconayo eedeysanaha oo ay wehliyaan adeegyada dhibanayaasha iyo carruurtooda oo wejiyo badan leh, waqtigii ku haboonaana ah waxay siisaa dhibanayaasha iyo carruurtooda shabakad amni. Jawaabcelinta carbisan, khaaska ah waxay keentaa in sida ugu wanaagsan loo isticmaalo waxyaalaha xadidan ee la heli karo.
Ku takhasidda meelaha dembiilayaasha dembigoodu isku cakiran yahay la xisaabtan ayaa ah mid waxtar leh.
- Khibrad, joogteyn, iyo isku xir u dhexeeyo xubnaha kooxda waxay keentaa wax tqabad iyo la xisaabtan.
- Maareynta kooxdu waxay kordhisaa habka macluumaadku u socdaa waxayna intaa ka dib keentaa badbaadada dhibanaha iyadoo la isticmaalayo aqoon halis la’aan.
- Isla xaakimka, dacwo oogaha/wakiilka kooxda baxnaaninta joogtada ah (todobaadle) dib u eegista maxkamadda waxay yareysaa soo noqnoqoshada dembiyada.
- Isla kooxda la shaqeyneyso dhibanayaasha iyo qoysaska waxay kordhisaa kalsoonida waxay baabi’isaa welwelka qoyska.
- Xadgudubka joogtada ah waa yaraadaan marka xukunka u hogaansan la’aantu uu degdeg yahay, maxkamadduna soo rogto, lana hubo.
Jawaab maxkamadeedka degdegga ah, waxtarka leh, joogtada ah iskuna xiran ee rabshadaha qoyska – gaar ahaan dembiyada soo noqnoqda – waxay kor u qaadi doontaa kalsoonida ay shacabku ku qabaan awoodda nidaamka maxkamadeynta si loo ilaaliyo dumarka iyo carruurta.
Shaqaalaheena waxay ku hadlaan Ingiriisi. Marka aad la soo xidhiidhaysid xafiiskeena, waxa laga yaabaa inay faa’iido leedahay inuu kula joogo qof ku hadla Ingiriisiga. Haddii aad u baahan tahay turjumaan, mid baa lagu siin doonaa.