Dayacaad Waxbarasho
(Carruurta da’doodu ka hooseyso 12)
Dhambaal ka yimid Qareenka Deegaanka Stearns Janelle Kendall
Gobolka Minnesota gudihiisa waxaa shardi ah in lagasoo xaadiro dugsiga sababta ugu wacanna waxaa weeye -- carruurtu guul ma gaari karaan haddeysan helin manafacaadyada waxbarashada. Nasiibdarraduse waxay tahay, in dayacaadda waxbarashadu ay carruurta seejiso fursad kuna hogaamiso cawaaqib argagax leh oo ay ka mid yihiin fal dembiyeed, isticmaalka daroogada, iyo uur ku qaadista da’da yar. Dokumeentiga cilmibaarista ee ay jaaliyaddu kaga jawaabcelineyso goo-goysnimada iyo dayacaadda waxbarashada waa in uu noqdaa mid degdeg ah, firfiircooni leh, waafina ah.
Taasina waa sababta Xafiiska Qareenka Deegaanka oo kala kaashanaya Xarunta Degaanka Stearns U Qaabilsan Adeegyada Biniaadannimada ay u aasaaseen Barnaamijka Dhexdhexaadinta goo-goysnimada (TMP). TMP waxay ku saleysan tahay cilmi baaris dheeraad ah waxaana ku jiro waxyaalo lagu guuleystay oo gobolka oo dhan laga keenay iyo barnaamijka qaranka ee goo-goyska. Iyadoo la shaqeyneysa qoysaska, u adeegayaasha bulshada xirfadlayaasha dugsiyada, iyo xubnaha kale ee jaaliyadda, TMP waxaa ka go’an inay ka baabi’iso goo’-goysnimada diiwaankeeda iyadoo kula midoobeysa jaaliyadda oo dhan xalka lagu baabi’inayo dayacaadda waxbarashada iyo goo-gooysnimada.
Sanadaha ugu horeeya dugsiga aad ayay ilmaha muhiim u yihiin. Carruurta oo dhami waxay mudan yihiin fursad ay ku helaan waxbarasho la taaban karo si loo hubiyo in loogu diyaariyo mustaqbalka. Marka ay qoyska aad uga go’an tahay waxbarashada ilmaha, waxaa aad u badan in furadda ay ilmuhu uga badbaadayaan dhaqamada waxyeelada iyo halista wato. Sababahan dartood, TMP waxaa loo diyaariyay in ay si degdeg ah uga jawaabta dayacaadda waxbarashada, si firfircoon leh ahna u hesho caqabadaha dugsi xaadiritaanka ilmaha, oo ayna si waafi ah u dhaqn geliso waxqabad shaqsiyeed kaas oo lagu bixinayo dhiirigelinta ku haboon iyo ganaaxyo.
Qoysku in uu noqdo mid ay waxbarashadu ka go’an tahay aad ayay muhiim u tahay – waxay muhiim u tahay horuumarka ilmaha, waxaana kale oo ay muhiim u tahay guud ahaan horuumarka bulshada!


Fiidiyowga Dayacaadda Waxbarashada
Xaadiritaanka Dugsigu Waa Sharci
Sharciga Minnesota wuxuu aqoonsan yahay muhiimadda ay leedahay dugsiga oo la xaadiro wuxuuna farayaa dhammaan carruurta da’doodu u dhexeyso 7 iyo 18 in dugsiga inay kasoo xaadiraan. Carruurta da’doodu ka hooseyso ee dugsi laga diiwaan geliyay waxaa iyaga xattaa laga doonayaa in ay raacaan sharciga u yaal dugsi xaadirista ee. Waa mas’uuliyad sharciyan ah oo waalidka saaran in ay carruurtooda dugsiga ka diiwaangeliyaan iyagoo raacaya sharciga Minnesota. Carruurta da’doodu ka hooseyso 12, waalidka ayaa sharicyan laga doonayaa in ay hubiyaan in ay carruurtoodu dugsiga xaadirto ilaa si sharciga waafaqsan looga reebay.
Waalidiintu waxay inta badan su’aalo ka qabaan marka uu ilmuhu sharciyan cudurdaar dugsiga uga maqnaan karo.
Tusaalooyinka Maqnaanshaha Cudurdaarka Leh Waxaa Ka Mid Ah
-
Jirro
-
Dawo ama Caafimaadka Maskaxda Ballan la xiriirto
-
Fasax Diimeed
-
Xaalad Degdeg ah oo Qoyska soo wajahday
Tusaalooyinka Maqnaanshaha Aan Cudurdaarka Laheyn Waxaa Ka Mid Ah
-
Baskii baa iga tegay
-
Hurdaa ila tagtay
-
Jewiga ayaa qabow ah
-
Carruur-heyn
-
Hurdo u baahasho si loo shaqeeyo
Waalidiinta waxaa lagu dhiirigelinayaa in ay la tashadaan dugsiyada ayna waydiiyaan su’aalo la xiriiro siyaasadda dugsiga ee xaadiritaanka.
Cawaaqibka Ay La Kulmayaan Waalidiinta Dayaca Waxbarashada
Sharciga Minnesota wuxuu ka doonayaa dugsiga in uu warqad ogeysiis ah u diro waalidka marka ilmuhu dugsiga ka maqnaado in ka badan seddax maalmood oo buuxdo dugsiga hoose ama seddax fasal iyo in ka badan seddaxdii maalmood haddii ardaygu dhigto dugsiga dhexe ama sare. Saraakiisha dugsiyada waxaa iyana laga doonayaa in ay la kulmaan waalidiinta si looga hadlo sababta keentay in uu ardaygu maqnaado gacanna looga siiyo waalidiinta in ay xal u helaan dhibaatooyinka xaadirid la’aanta. Dugsiyada waxaa laga yaabaa in ay qiimeeyaan waxay yihiin waxyaalaha ku keenayo ardayga in uu dugsiga ka maqnaado oo ay bixiyaan adeegyo arintaas ku haboon ama ay u diraan wakaalad kale oo xiriir la leh bulshada.
Minnesota gudaheeda, ilmaha da’diisu ka hooseyso 12 waxaa loo tixgeliyaa in ay goo-gooys badan yihiin haddii ay gooyaan isugeyn 7 maalmood cudurdaar la’aan sanad dugsiyeedka oo dhan. Marka ay arintani dhacdo, waxaa dugsiga sharciyan looga baahan yahay in uu u gudbiyo warbixinta waxbarasho dayacaadda Waaxda Adeegyada Carruurta iyo Qoyska ee Deegaanka Stearns. Marka ay arintani dhacdo, hay’adda Adeegyada Bini’aadamka ayaa ku baari doonto Qiimeynta Dhowrista Carruurta iyo Qoyska ama Baaritaanka si xun ula Dhaqanka Carruurta, Shirka Xiriirka Bedelidda Goo-goysnimada ayaa loogu sharixi doonaan waalidiinta/Mas’uuliyiinta ilmaha. Marka uu waalidku/mas’uulka ilmaha saxiixo heshiiska, hay’adda Adeegyada Bini’aadamka ayaa usoo diri doonto ogeysiis dugsiga iyo Xafiiska Qareenka Deegaanka Stearns sheegayo in heshiis la saxiixay.
Haddii natiijada qiimeynta/baaritaanka lagu ogaado dayacaad waxbarasho in ay dhacday, waxaa markaa dhici karto in kiiska loo furo ama: adeegyada mutadawacnimada ah oo la siiyo qoyska, ama loo diro Xafiiska Qareenka Deegaanka si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado maxkamadda dhalinyarada qaabilsan. Tallaabada sharciga waafaqsan waxay noqon kartaa badanaana keeni kartaa in amarka maxkamadda waalidka lagu amro in uu qaado talaabada ku haboon si loo hubiyo xaadiritaanka dugsiga oo joogto ah. Haddii xaadiritaanka ilmuhu ka soo reyn waydo, waxaa dhici karta in waalidku la kulmo cawaaqib sharciyeed adag. Kiisaska ugu daran, waxaa dhici karta in maxkamaddu amarto in mas’uuliyadda ilmaha lagu wareejiyo hay’adda Adeegyada Bini’aadamka si wax looga qabto arimaha la xiriiro dayacaadda waxbarashada.
Macluumaad Dheeraad Ah
Buug warbixineedka Macluumaadka Goo-goysnimada
Fiidiyowga Dayacaadda Waxbarashada
Xarunta Caafimaadka Dimirka ee Bartamaha Minnesota
o (320) 252 252-5010
Adeegyada Wadashaqeynta Qoyska Deegaanka Stearns
o (320) 252-4561
Cusbitaalka St. Cloud – Caafimaadka Hab-dhaqanka
o (320) 255-5777
XIDIGAHA Caafimaadka Dimirka ee Carruurta
o (763) 271-5322
o 1-877-333-0083
Hay’adaha samafalka Catholic’ga
o (320) 252-0412
Adeegyada Bulshada Lutheran
o (320) 251-7700
Gacansiinta Wicitaanka Koowaad
o (320) 252-3474
Adeegyada Bini’aadamka Deegaanka Stearns
o (320) 656-6000