Stearns County, Minnesota
  • Home
  • Community
  • Contact Us
  • En Español  |  
  • Soomali  |  
  • Sitemap  |  
  • Login
Welcome, Register
Search    
  • Online Services
  • Government
  • Property & Roads
  • Law & Public Safety
  • Adults & Families
  • Recreation
  • Environment

Soomali

  • Dayacaad Waxbarasho
  • Goo Goysnimo
  • Bogagga Rabshada Qoyska
  • Garo Xuquuqdaada Marka Aad Tahay Dhibane
  • Adeegyada Dhibanaha Markhaatiga
  • Barnaamijka Weecinta Dadka Da’da Yar
  • Barnaamijka Weecinta Dadka Waaweyn
  • Hawl-galka Maxkamad Dhallin
  • Maxkamad-saarid Dambi
  • Soo-sheegista Dambi
  • Markhaati-furidda
  • Su aalaha Inta Badan
  • Ku Saabsan Jeelka
  • La Xidhiidh Jeelka Stearns County
  • Su aalaha Inta Badan la Iska Weydiiyo Jeelka
  • Aafooyinka Dabiiciga ah
 
Home  »  Soomali  »  Garo Xuquuqdaada Marka Aad Tahay Dhibane EmailPrint page

Garo Xuquuqdaada Marka Aad Tahay Dhibane

Xeerarka Minnesota 611A

Ka Warqab Hababka Maxkamadda

Dhibane Dambi waxa uu xaq u leeyahay in lagu wargaliyo... 

  • Waxa uu gunaanad kasta oo la soo jeediyay ka kooban yahay
  • Wixii ah isbeddelo jadwal marka maxkamad lagaaga yeedho ama lagaa codsado inaad markhaati furtid 
  • Xalka ugu dambeeya ee laga gaadhay kiis dambi 
  • Go’aanka Xeer-ilaaliyaha in uu iska daayo dambi-ku-qaadis ku saleysan faro-saar ama dhibis  
  • Helitaanka amarada badbaadinta (protection orders) 
  • Warka ku saabsan racfaanka ama ambiilka uu qaadanayo eedeysane 

Ka qaybgal  Hababka Maxkamadda

Dhibane Dambi waxa uu xaq u leeyahay... 

  • Inuu hadal ku saabsan sida uu dambiga laga galay u saameeyay ka jeediyo maalinta xukumista  eedeysanaha
  • Inuu sheego diidmo ku saabsan gunaanad la soo bandhigay ama xukun la soo jeediyay 
  • Inuu ra’yi ka dhiibto go’aamada weecinta ah ee ka horeeya maxkamad-saaridda (pre-trial diversion decisions)* 
  • Inuu codsado magdhow ku saabsan kharashyada caafimaad ama waxyeelo soo gaadhay iyada oo sababtu tahay dambi lagula kacay 
  • Inuu codsado in loo celiyo ama loo soo gudo khasaare dhaqaale oo soo gaadhay iyada oo taasi ka mid tahay xukunka la saarayo dambiilaha 
  • Inuu xeer-ilaaliyaha dambiga oogaya ka codsado maxkamad-saarid dhakhso ah 
  • Inuu codsado in dambiilaha lagu xukumay dambi budhcadnimo leh laga qaado baadhitaan HIV* 
  • Inuu maxkamadda u soo bandhigo hadal, haddii eedeysanuhu uu codsanayo in laga tirtiro diiwaano maxkamadeed

Ka Badbaad Waxyeelo

Dhibane Dambi waxa uu xaq u leeyahay...

  • In laga badbaadiyo hanjabaadda ama qasbidda ka imanaysa qof kasta kuna saabsan marag-kaciisa 
  • Goob sugitaan oo gooni ah wakhtiga hababka maxkamadda 
  • In laga badbaadiyo aargoosiga shaqo-bixiye marka laga rabo inuu marag furo ama uu joogo gudaha maxkamadda 
  • Inuu codsado fulin sharci oo lagu horjoogsanayo bixinta war lagu garan karo dhibanaha 
  • In aanu bixin adreeska guriga ama shaqada, lambar teleefon, ama taariikhda dhalasho marka ay socdaan hawlaha maxkamaddu, iyada oo ay maxkamaddu amarto mooyaane
  • Inuu codsado in la ogeysiiyo sii-daynta dambiilaha ama wareejintiisa inta uu xabsi ku jiro 
  • Inuu codsado in la ogeysiiyo codsiga uu dambiiluhu ku weydiisanayo in laga tirtiro dambiga u diiwaansan

* Waxay khuseysaa dambiyo gaar ah

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Degmada (County Attorney's Office)
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  • Home | 
  • Contact Us | 
  • Community | 
  • En Español | 
  • Soomali | 
  • Sitemap

  • Online Services | 
  • Government | 
  • Property & Roads | 
  • Law & Public Safety | 
  • Adults & Families | 
  • Recreation | 
  • Environment

  • Web Policies | 
  • Salary Compliance | 
  • Mission Statement

Copyright 2012 Stearns County