Dhambaal ka yimid Qareenka Deegaanka Stearns Janelle Kendall
Gobolka Minnesota gudihiisa waxaa shardi ah in lagasoo xaadiro dugsiga sababta ugu wacanna waxaa weeye -- carruurtu guul ma gaari karaan haddeysan helin manafacaadyada waxbarashada. Nasiibdarraduse waxay tahay, in dayacaadda waxbarashadu ay carruurta seejiso fursad kuna hogaamiso cawaaqib argagax leh oo ay ka mid yihiin fal dembiyeed, isticmaalka daroogada, iyo uur ku qaadista da’da yar. Dokumeentiga cilmibaarista ee ay jaaliyaddu kaga jawaabcelineyso goo-goysnimada iyo dayacaadda waxbarashada waa in uu noqdaa mid degdeg ah, firfiircooni leh, waafina ah.
Taasina waa sababta Xafiiska Qareenka Deegaanka oo kala kaashanaya Xarunta Degaanka Stearns U Qaabilsan Adeegyada Biniaadannimada ay u aasaaseen Barnaamijka Dhexdhexaadinta goo-goysnimada (TMP). TMP waxay ku saleysan tahay cilmi baaris dheeraad ah waxaana ku jiro waxyaalo lagu guuleystay oo gobolka oo dhan laga keenay iyo barnaamijka qaranka ee goo-goyska. Iyadoo la shaqeyneysa qoysaska, u adeegayaasha bulshada xirfadlayaasha dugsiyada, iyo xubnaha kale ee jaaliyadda, TMP waxaa ka go’an inay ka baabi’iso goo’-goysnimada diiwaankeeda iyadoo kula midoobeysa jaaliyadda oo dhan xalka lagu baabi’inayo dayacaadda waxbarashada iyo goo-gooysnimada.
Maadama dugsi u-goyntu tahay wax horay u sii tilmaama halis sare ugu jiritaanka anshaxyo kale oo xun, Barnaamijka Dhexdhexaadinta Dugsi U-goynta TMP-da waxa loo habeeyey inay isla markiiba ka jawaabto dugsi u-goynta, oo si ka-hortag firficoon leh loo qeexo caqabadaha ka horistaagan imaatinka dugsiga ee ilmaha, oo si dhammaystiran loo hirgaliyo waxkaqabad gaar ah oo bixinaya dhiirri-galin habboon iyo ganaaxyaba.
Go’aanka ilmaha ee ku aadan dhigashada dugsiga aad ayuu muhiim u yahay – wuxuu muhiim u yahay guusha ilmaha, waxaa kale oo uu muhiim u yahay guusha bulshada oo dhan!

Xaadiritaanka Dugsigu Waa Sharci
Ardayga ay da’diisu u dhexeyso 12 iyo 16 waxaa loo tixgeliyaa in uu yahay mid goo-goys badan haddii isaga ama iyada uu dugsiga ka maqnaado cudurdaar sharciga waafaqsan la’aan seddax maalmood oo uu dugsigu jiro ama in ka badan. Carruurta da’doodu tahay 16 iyo 17 si madax bannaan dugsiga “ugama tegi karaan” laakiin si sharciga waafaqsan ayay uga joogi karaan iyagoo ogolaansho ka heysto waalidkood. Sharciga wuxuu farayaa waalidiinta in ay carruurtooda ku qasbaan in ay dugsiga xaadiraan. Waxaa lagu soo rogi karaa ganaax dembiyeed haddii waalidku sidaa yeeli waayo.
Haddii uu arday dugsiga uga maqnaado maalin buuxdo ama gelinkeed sabab macquul ah, waalidka ama mas’uulka ilmuhu waa in uu la socodsiiyaa dugsiga.
Tusaalooyinka Maqnaanshaha Cudurdaarka Leh Waxaa Ka Mid Ah
- Jirro
- Dawo ama Caafimaadka Maskaxda Ballan la xiriirto
- Fasax Diimeed
- Xaalad Degdeg ah oo Qoyska soo wajahday
Tusaalooyinka Maqnaanshaha Aan Cudurdaarka Laheyn Waxaa Ka Mid Ah
- Baskii baa iga tegay
- Hurdaa ila tagtay
- Jewiga ayaa qabow ah
- Carruur-heyn
- Hurdo u baahasho si loo shaqeeyo
Waalidiinta waxaa lagu dhiirigelinayaa in ay la tashadaan dugsiyada ayna waydiiyaan su’aalo la xiriiro siyaasadda dugsiga ee xaadiritaanka.
Cawaaqibka Waalidiinta Haddey Dayacaan Waxbarashada
• Ilmaha u Baahan Ilaalin ama Adeegyo (CHIPS) waxaa codsi looga
diiwaangelin karaa Maxkamadda Da’yarta. Waalidka waxaa lagu
magac dhebi doonaa codsiga; tallaabo sharciyeedku dadweynaha
way u furan yihiin.
• Ilmaha waxaa la gelin karaa xabsi guri waxaana lagu soo rogi
karaa in lagula socdo Qalabka la Socodka dhaqdhaqaaqa Guriga
(EHM) taas oo macnaheedu yahay in ilmuhu aanu guriga ka tegi
karin ilaa uu dugsiga jiro ama uu waalidku wehliyo.
• Ilmaha waxaa loo qoyndeyn karaa saacado uu sameeyo howlaha
adeegga bulshada.
• Ilmaha waxaa laga kaxeyn karayaa guriga lana geyn karayaa
xarumaha daryeelka, daryeelka foster’ka, meelaha sida ku
meelgaarka ah loo dego. Waalidka/mas’uulka waxaa looga baahan
karaa in uu bixiyo lacagta meelahaas lagu geynayo.
• Ilmaha waxaa la amri karaa in uu la tashi la sameeyo waalidka
ama shaqsi waxaana looga baahan karaa in uu ka qaybqaato
qiimeynta isticmaalidda kiimikaaliska ka dibna uu raaco
talooyinkaka soo baxo. Maxkamaddu xattaa waxay amri kartaa
baaritaanka daroogada ama aalkolada.
• Ilmaha waxaa lagu ganaaxi karaa ilaa $100.00.
• Waalidiinta/mas’uuliyiinta waxaa looga baahan karayaa in ay ku
qasbaan ilmaha in uu dugsiga xaadiro oo ay keenaan ilmaha
dugsiga subax kasta waqti ay Maxkamaddu cayintay.
• Maxkamaddu waxay la noqon kartaa ama dib u dhigi kartaa
dhammaan waxyaalaha mudnaanta keeni kara ilaa uu ardaygu ka
gaarayo sanadguurada 18’aad.
• Ilamaha iyo waalidka/mas’uulka labadaba waxaa lagu heli karaa
xaqiraadda maxkamadda bulshada haddey si ula kac ah u jebiyaan
amarka maxkamadda. Danta laga leeyahay dayacaadda bulshaa
waxaa weeye in la qasbo in dadku u hogaansamaan waxayna keeni
kartaa ganaax iyo/ama xabsi.
XUSUUSNOW – cawaaqibyada ugu muhiimsan ee goo-goysnimadu ma ahan amarrada maxkamadda. Carruurta dugsiga xaadiri waayo waxay qarka u saaran yihiin in ay ka qaybqaataan howlaha kale ee sharcidarrada ah ee aan wanaagsaneyn ee soo koobayo fursadaha nolosha ee xilliga dambe. Goo-goysnimada aan la sixin waxay bilow u tahay fursad nololeed aan laga faa’iideysan iyo khibrado lagu guuldareystay. Ha u ogolaan arintan laga hortegi karo in ay ku dhacdo adiga ama qof aad daneyneyso.
Nidaamka Loo Maro Dhaxdhaxaadinta Goo-Goysnimada
Barnaamijka Xallinta Goo-goysnimada (TMP) wuxuu isticmaalaa nidaam seddax tallaabo ka kooban si loogu joojiyo goo-goysnimada. TALLAABADA 1’aad , dugsiga ayaa la socdo xaadiritaanka ka dibna bilaabo la kulanka iyo la hadalka ardayda iyo waalidiinta/mas’uuliyiinta markii ay soo baxaan maqnaansho aan cudurdaar laheyn. Seddax maqnaansho oo aan cudurdaar laheyn ka dib, dugsiyada waxaa sharciyan looga bahan yahay in ay ogeysiiyaan waalidiinta/mas’uuliyiinta in uu ilmuhu yahay goo-goys badane waxaana waalidiinta/mas’uuliyiinta lgu dhiirigelinayaa in ay ilmahooda usoo raacaan dugsiga maalin . Haddii maqnaanshaha aan cudurdaarka laheyni uu sii sodo, waalidiinta/mas’uuliyiinta waxaa loo gudbinayaan kulanka Macluumaadka Goo-goysnimada (TIM) ee uu soo gudbiyo Xafiiska Qareenka Deegaanka iyo Adeegyada Bini’aadannimada. Kulankan waxaa lagu qeexi doonaa sharciga la xiriiro dugsi xaadirista, howsha bedelista, iyo cawaaqib sharciyeedka ka imaan karo goo-goysnimada. Waalidiinta/mas’uuliyiinta iyo ardayda waxaa looga baahan yahay in kulankansoo xaadiraan!
Haddii ka maqnaanshaha dugsigu sii socoto oo ay ilmaha da’diisu gaarto todobo waxaa loo tixgeliyaa maqnaansho aan cudurdaar laheyn “goo-goysnimo dhaqan noqotay” waxaana loo gudbin doonaa TALLAABADA 2’aad , Kulanka Bedelaadda Goo-goys ( TDC ). Kani waa kulan ardayga iyo waalidiinta/mas’uuliyiinta u ah fursaddii ugu dambeysay oo ay uga badbaadayaan in loo dacweeyo goo-goysnimo. TDC , u adeeggaha bulshada oo ka socdo Adeegyada Bini’aadannimada ayaa diyaarinayo kulan caadi ah oo u dhexeeyo dugsiga, waalidiinta/mas’uuliyiinta, ilmaha iyo xubnaha bulshada ee muhiimka ah. Heshiis dhaqan Bedelaad ah ayaa laga xaajoonayaa si ilmaha dugsiga loogu haayo maxkamaddana looga fogeeyo.
Haddii TDC ay keeni wayso in xaadiritaanka dugsigu uu kordho, ardayda iyo waalidiinta/mas’uuliyiinta waxaa loo gudbin doonaa TALLAABADA 3’aad . Tallaabdan, dhammaan tallaabooyinkii xadkoodu aadka u yaraa ka dib, ardayga waxaa loo gudbinayaa MAXKAMADDA bacdamaa uu ardaygu u baahan yahay ilaalin iyo adeegyo ku saleysan goo-goysnimada. Waalidka/mas’uulka naftirkooda waala dacweyn karaa haddii aysan ku qasbin ilmahooda in uu xaadiro dugsiga.
Maqaalada Goo-Goysnimada
U gooy fasalada Minnetonka gudaheeda waxaadna kiiskaaga soo gelin doontaa hooyo iyo aabe - Star Tribune, Sibteembar 5teeda, 2008
Macluumaad Dheeraad Ah
Buug warbixineedka Macluumaadka Goo-goysnimada
Fiidiyowga Dayacaadda Waxbarashada
Xarunta Caafimaadka Dimirka ee Bartamaha Minnesota
o (320) 252 252-5010
Adeegyada Wadashaqeynta Qoyska Deegaanka Stearns
o (320) 252-4561
Cusbitaalka St. Cloud – Caafimaadka Hab-dhaqanka
o (320) 255-5777
XIDIGAHA Caafimaadka Dimirka ee Carruurta
o (763) 271-5322
o 1-877-333-0083
Hay’adaha samafalka Catholic’ga
o (320) 252-0412
Adeegyada Bulshada Lutheran
o (320) 251-7700
Gacansiinta Wicitaanka Koowaad
o (320) 252-3474
Adeegyada Bini’aadamka Deegaanka Stearns
o (320) 656-6000