Hawl-galka Maxkamad Dhallin
Sida kiisaska dhallinta loo qaado
Marka ay jirto kiis qof dhallin ah ku saabsan, dhibanuhu eedeyn kuma qaado dacweysanaha. Waxa laga soo qaadaa in dambiga laga galay Gobolka, waxana eedeynta xareysta dadka Gobolka. Xeer-ilaaliyaha degmadu waxa uu wakiil ka yahay Gobolka, marka la xereeyo dacwad lid ku ah qofka da’da yar waxay la mid tahay iyada oo lagu eedeynayo dambi. Xaaladaha qaarkood markay jiraan, sarkaal fulin sharci ayaa bixin doona tigidh, kaasoo la yidhaahdo yeedhis maxkamadeed (citation).
Dambi-fal dhallin (delinquent act) waa fal uu sameeyay dhallin kaasoo noqon lahaa dambi haddii uu gali lahaa qof ka weyn 18 sannadood. Marka qof da’ yar ama ilmo ah lagu qaado dambi-fal dhallin, habka sharcigu si weyn ayuu uga duwan yahay habka loo isticmaalo dadka waaweyn.
Habka maxkamadda dhallintu waxa uu u shaqeeyaa si uu u daweeyo oo uu u dhaqan-celiyo dambi-faleyaasha dhallinta ah. Waxa taa weheliya waxa weeye maxkamadda dhallinta oo ku dhakhsata sidii ay u xalin lahaayeen kiisaska oo isla markaana dacweysanaha siisa asturnaan ka badan ta la siiyo dadka waaweyn ee lagu eedeeyo dambiyo la mid ah.
Baadhitaanka iyo eedeynta
Dambi uu galay dhallin ama ilmo waxa loo baadhaa sida dambi kale oo kasta. Ka dib marka dambiga la soo sheego, sarkaalku waxa uu sameeyaa baaritaan si uu go’aan uga gaaro haddii uu jiro marag-kalc ku filan in la xaqiijiyo in qofka dhallinta ahi galay dambi. Haddii sarkaalku rumeysan yahay inuu jiro marag-kac ku filan, waxa warbixinnada loo diraa xafiiska xeer-ilaaliyaha degmada ama waxa la bixiyaa yeedhis maxkamadeed.
Marka ku xigta, shaqaalaha xeer-ilaaliyaha degmada ayaa dib u fiiriya warka, go’aan ka gaara in marag-kacu taageerayo eedeymaha, isla markaana, haddii ay sidaa tahay, xareeya eedeyn. Haddii aanuu jirin marag-kalc ku filan, kiiska waa la diidaa ama waxa lagu celiyaa sarkaalka si uu u soo sameeyo baadhitaan dheeraad ah.
Xidhista
Marka ay jiraan xaaladaha qaarkood, waxa laga yaabaa in qofka dhallinta ah la qabto oo la xidho. Waxa laga yaabaa in sarkaalka boliiska ahi qofka dhallinta u sii daayo waalidka ama waaliga, ama uu qofka dhallinta ah ku meeleeyo gabood daryeel, ama uu sii wado xidhista. Sharcigu waxa uu qorayaa in qofka da’da yar laga sii daayo xidhista iyada oo ay jiraan xaalado daran oo gaar ah mooyaane. Waa in badi dhallintu ay hor yimaadaan maxkamadda gudaha 24 ilaa 48 saacadood iyada oo loo qabanayo dhageysi xidhis. Badi dambiileyaasha dhallinta ah lama xidho. Waxa maxkamadda loogu yeedha iyada oo boosta loogu dirayo ogeysiis.
Goobta dhageysiyada
Dhageysiyada, lagu sharaxay bogga soo socda, waxa lagu qaban karaan goobo kala duwan. Dhageysiga maxkamad-keenista (arraignment), dhageysiga ka horeeya maxkamad-saariidda (pretrial), iyo maxkamad-saaridda qofka da’da yar (trial) waxa loogu qabtaa degmada lagu galay dambiga. Dhageysiga go’aan-gaadhista ahi (disposition hearing) waxa uu ka dhacaa degmada deganaanshaha.
Maxkamad-keenis
Marka la eego dhageysiga maxkamad-keenista, waxa qofka dhallinta ahi hor iman doonaa maxkamadda waxana la weydiin doonaa in uu “qirto” ama “diido” dambiga lagu sheegay dacwadda. Dhallintu waxay xaq u leeyihiin qareen waxana ay codsan karaan in loo magacaabo qareen wakiil ka noqda. Qirashadu waxay la mid tahay sheegis qabis dambi (guilty plea). Marka uu qirto, waxa uu kiiska dhallintu u gudbayaa go’aan-gaadhis, isla markiiba ama wakhti dambe. Diidmo galis dambi waxay keenaysaa maxkamad-saarid.
Dhageysiga ka Horeeya Maxkamad-saaridda
Degmooyin qaarkood, waxa uu xaakinku amri karaa in la qabto dhageysi ka horeeya maxkamad-saaridda si go’aan looga gaadho arrimo sharci ka hor maxkamad-saaridda. Muwaadiniinta markhaatiga ah badanaa looguma yeedho inay markhaati ka furaan dhageysiyadaa. Waxa qofka dhallinta ahi uu awoodi karaa inuu qirto falka marka la joogo dhageysigan.
Maxkamad-saarid
Kiisaska intooda badan, waxa maxkamad-saaridda dhallinta lagu hor qabtaa xaakin. Hase yeeshee, xaaladaha qaarkood waxa uu qofka dhallinta ahi codsan karaa maxkamad-saarid ay guddi fadhido (jury trial). Dambi-fale dhallin ah waxa inta ay socoto maxkamad-saariddu uu leeyahay isla badbaadinta sharci ee uu leeyahay qof weyn oo lagu eedeeyay isla dambiga isaga lagu eedeeyay. Xaakinka ama guddida ayaa go’aamin doona in dacwadda la “xaqiijiyay” ama “aan la xaqiijin”. Haddii uu xaakinku arko in dacwadda la xaqiijiyay, waxa uu kiisku u gudbi doonaa dhageysiga go’aan-gaadhista.
Go’aan-gaaris
Marka qofka dhallinta ah uu xukumo xaakin ama guddi (ama sameeyo qirasho), waxa la ballamiyaa dhageysi go’aan-gaaris. Xaakinku waxa uu leeyahay ikhtiyaaro badan, oo ay ku jiraan digniin, magdhow, ganaaxyo, adeeg bulsho, tijaabin mudo ah (probation), daryeel ah u-geyn waalid kale, meeleyn aan ahayn guriga, ama xidhis. Go’aan-gaadhistu waxay ku xidhnaan doontaa dambiga, camalka qofka dhallinta ah, taariikhda dambi ee dhallinta, ama helitaanka adeegyo haboon.
Dhibaneyaasha dambi iyo dhageysiyada dhallinta
Sharciga Minnesota (Minn. Statutes Sec. 260.155 subd. 1 iyo Sec. 611A.02) waxa uu kiisaska intooda badan ka mamnuucayaa dadweynaha inay ka soo qaybgalaan dhageysiyada dhallinta. Hase yeeshee, waxay maxkamaddu bixin kartaa ka-reebis ku saabsan sharcigan:
- haddii qofk uu dan toos ah ka leeyahay kiiska, sida dhibane dambi;
- haddii qofku uu dan toos ah ka leeyahay shaqada maxkamadda; ama
- haddii qofka dhallinta ah lagu eedeeyay inuu galay dambi ama la xaqiijiyay inuu galay dambi ah dambi culus isla markaana uu ugu yaraan jiray 16 sannadood wakhtigii dambiga.
- dhibanuhu waxa uu xaq u leeyahay inuu ka soo qaybgalo dhageysiga go’aan-gaadhista.
Haddii aad rabtid inaad ka qaybgashid dhageysi go’aan-gaadhis, waa inaad la xidhiidhid Barnaamijka Gargaarka Dhibanaha (Victim Assistance Program) si aad u heshid warka Maxkamadda.
Kharash Caafimaad? Lumis Maal? Kharashyo La-talin? Kharashyo ka Baxay Jeebkaaga?
Waxa laga yaabaa in dhibaneyaasha ay u banaan tahay gargaar dhaqaale oo ay ka helaan gobolka haddii uu saameeyay lumis dhaqaale iyada oo sababtu tahay dambi burcadnimo leh oo lagula kacay.
Dhibaneyaashu waxay maxkamadda ka codsan karaa in ay qofka dhallinta ku amarto inuu magdhow bixiyo haddii qofka dhallinta ah lagu helo inuu galay dambiga.
Waxa laga yaabaa in dhibaneyaasha ay u banaan tahay gargaar dhaqaale oo degdeg ah oo beddelaad u ah maal lagama-maarmaan ah oo ka lumay, laga xaday ama laga dhaawacay iyada oo sababtu tahay dambi, gaadiid la xidhiidha baahida dhibanaha iyo nadiifinta goobta fal dambi.
Wixii war dheeraad ah ee ku saabsan xuquuqdaada ama habka maxkamadda dhallinta, la xidhiidh:
Stearns County Attorney’s Office Victim Assistance Program
Administration Center, Room 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303-4701
320.656.3880
Marka aad meel fog naga soo wacaysid 1.800.450.3880
Dadka ka Dhibaateysan Maqalka 320.253.7868
Khadka qalalaasaha ee ah 24-ka saacadood 877.450.3869
Shaqaalaheena waxay ku hadlaan Ingiriisi. Marka aad la soo xidhiidhaysid xafiiskeena, waxa laga yaabaa inay faa’iido leedahay inuu kula joogo qof ku hadla Ingiriisiga. Haddii aad u baahan tahay turjumaan, mid baa lagu siin doonaa.