Stearns County, Minnesota
  • Home
  • Community
  • Contact Us
  • En Español  |  
  • Soomali  |  
  • Sitemap  |  
  • Login
Welcome, Register
Search
  • Online Services
  • Government
  • Property & Roads
  • Law & Public Safety
  • Adults & Families
  • Recreation
  • Environment

Soomali

  • Dayacaad Waxbarasho
  • Goo Goysnimo
  • Bogagga Rabshada Qoyska
  • Garo Xuquuqdaada Marka Aad Tahay Dhibane
  • Adeegyada Dhibanaha Markhaatiga
  • Barnaamijka Weecinta Dadka Da’da Yar
  • Barnaamijka Weecinta Dadka Waaweyn
  • Hawl-galka Maxkamad Dhallin
  • Maxkamad-saarid Dambi
  • Soo-sheegista Dambi
  • Markhaati-furidda
  • Su aalaha Inta Badan
  • Ku Saabsan Jeelka
  • La Xidhiidh Jeelka Stearns County
  • Su aalaha Inta Badan la Iska Weydiiyo Jeelka
  • Aafooyinka Dabiiciga ah
 
Home  »  Soomali  »  Ku Saabsan JeelkaEmailPrint page

Ku Saabsan Jeelka

Jeelka Degmada Stearns

War ku saabsan jeelka

Jeelka Degmada Stearns, oo ah jeel amaankiisu yahay dhexdhexaad/xoog, waxa la dhameeyay Bishii Todobaad ee 1987, isaga oo beddelay jeel la soo isticmaalayay ilaa 1921. Ma doonaysaa inaad “booqatid” jeelkii hore? Ka eeg sheekada iyo sawiro badan halkan. Qayb baa lagu kordhiyay Bishii Tobnaad ee 1997 si hoy looga dhigo qaybta U-sii-daynta Shaqada (Huber). Jeelkan waxa liisan siiyay Gobolka Minnesota si uu hayo 167 maxbuus ilaa mudo ah sannad ka dib go’aan ka-gaadhista ugu dambeysa.

Jeelkii hore waxa uu lahaa 98 sariirood oo ku yaalay sideed unugyo hoy oo kala duwan, oo ahaa afar unug oo haynta ah iyo iyo afar unug oo ahaa caafimaadka. Markii lagu daray qaybta Huber, waxa jirtay cusbooneysiin lagu sameeyay jeelkii hore. Waxa intaa dheer oo jeelku soo saaray siyaasad ah laba sariirood. Imminka jeelku waxa uu leeyahay 108 sariirood oo ku yaala lix unug hoy oo kala duwan, oo ah 12 unug hayn, 8 unug oo gooni ah, iyo 2 unug caafimaad. Qaybta U-sii-daynta Shaqada/Huber waa qayb leh amaan khafiif ah, waxana ay leedahay 60 sariirood oo ah qaab goob seexasho. (Fiiro: unugyada haynta, goonida, iyo caafimaad looma xisaabin karo hab liisan.)

Shaqaalaha jeelku waxa uu ka kooban yahay 6 ah wakhti badhkii iyo 9 ah wakhti buuxa oo ah Saraakiil Asluub I (Correctional Officers I, CO-I), 52 ah Saraakiil Asluub II (Correctional Officers II, CO-II), 6 Saajin (CO-III), iyo 4 qof oo ah shaqaale barnaamij.

  • Waajibaadka koobaad ee CO-I waxa ka mid ah inuu noqdo ilaaliye nidaam maxkamadeed, maxaabiis meel la geynayo oo uu raaco, iyo hawlaha jeelka oo uu gargaar ka geysto.
  • Saraakiisha ah CO-II waxay u hawlgalaan saraakii asluub ahaan iyaga oo ka shaqeeya unugyada hoyga, aagga qorista iyo Ilaalinta Dhexe (Central Control).
  • Saajinadu waxay u hawlgalaan sidii horjoogeyaal galinka shaqo ee hore.
  • Shaqaalaha barnaamijku waxay isku daba-ridaan barnaamijyada sida u-sii-daynta shaqada, eegista maxaabiista laga yaabo inay u banaan tahay shaqo Adeeg Beeleed, adeegyada laybareeriga, ciyaaraha, kooxaha naftaada-u-gargaar sida Alcoholics / Narcotics Anonymous, waxbarashada iyo kooxo diimeed tabaruc ah oo kala duwan.

Xafiiska maamulka jeelka waxa ka mid ah Maamule Jeel, Kalkaaliye Maamule Jeel, iyo shaqaale taageero.

Jeel (Jail)
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  • Home | 
  • Contact Us | 
  • Community | 
  • En Español | 
  • Soomali | 
  • Sitemap

  • Online Services | 
  • Government | 
  • Property & Roads | 
  • Law & Public Safety | 
  • Adults & Families | 
  • Recreation | 
  • Environment

  • Web Policies | 
  • Salary Compliance | 
  • Mission Statement

Copyright 2013 Stearns County