Soo-sheegista Dambi
Haddii aad tahay dhibane lagula kacay dambi ama aad markhaati ka tahay wax aad rumeysan tahay inuu yahay dambi, wac 911 isla markiina ka warbixi arrinta. Ka dib hay’adda fulinta sharci:
- Ayaa heli doonta oo diiwaangalinta warbixintaada, haddii ay goobtu ku taalo aagga ay ka taliso hay’addu, ama waxay kula xiriirin doonaan hay’adda xukunta aagga;
- Waxay baadhi doonaan dambiga la soo sheegay;
- Waxay ururin doonaa oo ay kaydin doonaan marag-kaca dambiga;
- Waxay suurto-gal ahaan qaban karaan dambiilaha la sheegay; iyo
- Waxay ku dhaqaaqi karaan baadhitaan ku xiga haddii loo baahdo.
Iyada oo ku xidhan dhawr arrimood, oo ay ku jirto baaxadda qaybta, waxa laga yaabaa in sarkaalka yimaada goobta dambigu ka dhacay aanuu noqon qofka qabta baadhitaanka ku xiga. Ka dib marka warbixinta hore la qaado, waxa laga yaabaa in baadhe arrinta loo xilsaaro si uu baadhitaan dabagal ah u sameeyo.
Marka la garto dambiilaha la sheegay, waa la qaban karaa qofka waxana la geyn karaa xabsiga si arrintiisa wax looga qabto. Xaaladaha qaarkood – iyada oo ku xidhan nooca dambiga – waxa laga yaabaa in dambiilaha la sheegay ay u banaan tahay in la siiyo yeedhis maxkamadeed si uu u yimaado maxkmadda, sidaa daraadeedna, aan la geyn saldhigga si arrintiisa looga shaqeeyo. Xaaladaha kale -- ee caadi ahaan ku saaban dambiyo sii xasaasisan iyo/ama sii culus – waxa dambiilaha la hayn karaa 48 saacadood ama wax in yar intaa ka badan inta warbixinnada la diyaarinayo oo uu dib u fiirinayo dambi-ooge (prosecutor). Ka dib dambi-oogaha ayaa si rasmi ah dambiilaha ugu eedeyn doona dambiga.
Doorka sarkaalka fulinta sharcigu kuma dhamaado qabashada dambiilaha la sheegay. Waxa saraakiisha si joogto ah loogu yeedhaa inay markhaatiga ka furaan kiisaska dambi-oogista ah. Waxay saraakiishu ka qayb-gali karaan dhageysiyada guddi leh ee waaweyn, dhageysiyada hordhaca ah iyo maxkamad-saarista dhabta ah iyaga oo ah markhaatiyo.
Si kasta arrintu ha ahaatee, muwaadinka iyo dhibanaha oo ka qayb-gala la xisaabtanka dambiileyaasha waxay muhiim u tahay amaanka dadweynaha. Waxa la dhiirigalinayaa oo lagu talinayaa soo-sheegista wixii ah hawlo shaki keena.
Shaqaalaheena waxay ku hadlaan Ingiriisi. Marka aad la soo xidhiidhaysid xafiiskeena, waxa laga yaabaa inay faa’iido leedahay inuu kula joogo qof ku hadla Ingiriisiga. Haddii aad u baahan tahay turjumaan, mid baa lagu siin doonaa.